Turkiga oo beeniyey inay Saldhig Milliteri ka furanayaan Somalia.

 

Danjiraha Dowladda Turkiga u jooga Somalia, Ambassador Olgan Beker ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Idaacadda iyo TV-ga Turkiga (The Turkish Radio and Television Corporation) ee TRT World.

Waxa uu tilmaamay  inay Somalia iyo Turkiga muddo dheer saaxiibo ahaayeen, isla markaana uu sii xoogeysanayo Xiriirkooda, lana filayo in ay Dowladda Turkiga dhawaan Muqdisho ka furan Xero cusub oo lagu tababaro Ciiddanka.

“Ma aha Saldhig Milliteri sida kan ay Turkiga ku leeyihiin dalka Qatar” ayuu yiri Ambassador Olgan Beker oo la hadlay Tv-ga TRT World, wuxuuna intaasi ku daray inaysan sax ahayn qaabka ay Warbaahinadda uga hadleen Arrintaasi, kuna sheegeen inay Dowladda Turkiga Saldhig Milliteri ka dhisanayso magaalladda Muqdisho.

Mar wax laga weydiiyey hadafka Xeradda Tababarka Ciiddanka ee laga furayo Muqdisho waxa uu sheegay in lagu tababaro Ciiddanka DFS, isago osheegay inay Xeradaasi halkii mar qaadi karto 1,500 Askari iyo 200 oo Saraakiil Milliteri ah.

 

Dhismaha Xerradaasi ayaa waxa la bilaabay bishii March ee sannadkii 2015-kii, wuxuuna ku fadhiyaa masaafo dhan 400 Hectares, oo ay ku dhex yaallaan 3 Dugsi ee Tababarka Milliteri, Hool weyn oo la seexdo iyo Bakhaaro lagu kaydiyo Qalabka Milliteriga.

Danjiraha waxa kale oo uu sheegay in 200 Saraakiil Turkish ah loo soo diri doono Somalia, si ay Tababarayaal uga noqdaan Xeradda Tababarka Milliteriga ee ay Turkiga bisha soo socoto ka furan doonaan Muqdisho.

Ambassador Olgan Beker waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay inay Ciiddamo Turki horey u joogeen Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho, kuwaasi oo ilaalo u ah Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradda.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay Turkiga u taageerayaan Soomaalida, waxa uu sheegay inaysan Turkiga wax Siyaasad Isticmaar ka lahayn gudaha Somalia, balse uu hadafkoodda 1-aad yahay sidii ay u tababari lahaayeen Ciiddanka Soomaalida.

Dhinaca kale, mar wax laga weydiiyey muddada ay Turkiga galaangalka ku dhex leeyihiin Somalia, waxa uu Ambassador Olgan Beker sheegay inay arrintaasi bilaabantay sannadkii 2011-kii, markii uu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan oo xilligaasi ahaa RW uu booqasho rasmi ah ku yiumid magaalladda Muqdisho, taasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey,

Dowladda Turkiga waxay taageero ballaaran oo dhinaca Diplomaasiyadda, Maaliyadda iyo Samafalka siiyaan Somalia, waxayna markii ugu horreysay Somalia ka furteen Safaaradda sannadkii 1979-kii, taasi oo la xiray sannadkii 1991-kii, markii ay Dagaalladda Sokeeye ka bilowdeen Somalia.

Turkey’s ambassador to Somalia talks to us about a new military training camp they’re creating in Mogadishu

©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media