Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda dalkaasi ayaa lagu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegayo inuu Madaxweynuhu la dhibaataysan yahay dhibaato caafimaad.
Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inuu Madaxweynuhu si caadi ah u gudanayo hawlihiisa Qaranka, isla markaana uusan warkaasi wax u dhimi karin Moraalka dadka Syria.
Bishan January 21-dii waxa uu Wargeyska Asharqa Al-awsat qoray war lagu sheegay inuu Madaxweynaha Syria la dhibaataysan xanuun dhinaca Dhimirka oo uu ka qaaday dagaalka dalakasi ka socda ku-dhawaad 6 sanno.
Warbaahinadda qaarkood ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Syria ku dhacay Qalal, laguna daaweynayo Isbitaal ku yaalla magaalladda Dimishiq.
©Radio Dalsan