Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Weerar lagu laayay Dad Shacab ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya sheegtay in ay aad uga xuntahay weerar la sheegay in dagaalamayasha AL-Shabaab ay ku dileen  dad rayid ah, kuna gubeen hantidoodii.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Qoraal lagu daabacay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xanuunka la qabysanayso dadka rayidka ah ee dhibaatadu soo gaartay, kuwaasi oo la sheegay dab la qabadsiiyay guryo iyo raashin u rarnaa Ganacsadada degaanadaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay garab taagan tahay dadka deegaanka ee is abaabulay una taagan iska kor qaadidda cadowga, waxaana iyada oo kaashanaysa dadka deegaanka ka bixin doontaa jawaab u dhiginta” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo lasoo sheegayo in dagaalamyaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dad shacab ah oo isugu jiray dad degaan ah iyo dad safar ahaa, kuwaasi oo wararku tilmaamayan in la gubay gadiidkii iyo guryahoodii.

Waxaana ku dhintay ku dhawaad 30 qof oo shacab ah, halka tiro intaa ka bandanna ay ku dhaawacmeen, waxaana saacadihii ugu dambeeyay Cusbitaallada Magaalada Baladweyne lasoo gaarsiiyay dhaawacyo kala duwan oo qaarkood xaalad halis ah ay ku sugan yihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor