Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u fasaxday duulimaadyadii Kismaayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa si rasmi ah u fasaxday duulimaadyada rayidka ahaa ee Muqdisho iyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda ahna ku simaha wasiirka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in go’aanka soo baxay dowladda Soomaaliya lagu fasaxay duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo,kadib codsi uga yimid shacabka.

Dowladda ayaa todobaadkii la soo dhaafay xayiraat saartay duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo,iyadoona arrintaas ay saameyn badan ku yeelatay dadka shacabka ee halkaas tegi jiray.

Sidoo kale xayiraada dowladda Federaalka Soomaaliya saartay duulimaadka ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhanka Caafimaadka ah iyo kuwo kale.

Comments
Loading...