Howlgal ay Ciidamada Amnigu fuliyeen shantii bushan Apriil ayaa lagu soo qabtay Hawlwadeen ,kaas oo ahaa mid Al-shabaab u qaabilsan ku xirista Walxaha Qarxa ee gaadiidka,waa sida hadalka loo dhigay.
War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in Hawlgalkaan uu ka dhacay magaalada Muqdisho,kaasi oo qaatay muddo saacado ah sidii loo qorsheeyay ayuuna udhacay, iyadoo aanu dhicin wax khasaare ah.
Tallaabadaan ayaa imaanaysa xilli Ciidamada Amnigu ay Caasimadda iyo Gobolladaba ka wadaan howlgal baaxad leh oo guri iyo geedba looga raadinayo Al-shabaab.