Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daqiiqado kahor oo Caawa ah ku dhawaaqday in maalinta oo sabti ah taariikhdana ay tahay 2-da April ay kow tahay Bisha barakeysan ee Ramadaan oo caawa la arkay.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cali Rooble oo shacabka si toos ah ugala hadlayey Telefashinka Qaranka ayaa shaaciyay in maqribkii Caawa bisha Ramadaan la arkay.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in Bisha laga arkay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, isla markaana uu arkay qof wadaad ah oo ay dowladda dhaarisay.
Wasiir Cumar Cali Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada Bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalinta berri oo sabti ah kow noqoneysa.
Dhinaca kale Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegay in berrito aysan Soon u aheyn, maadaama Caawa bisha laga waayay deegaanadooda, isla markaana ay dhameystirayaan 30-ka Shacbaan.