Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir muhiim ah oo la qabtay

Safiirka Soomaaliya ee dalka Djibouti Salaad Cali Jeelle ayaa ka qeyb-galay shirka wasiirrada maaliyadda ee wadamada Geeska Afrika, waxaa sidoo kale shirkaas ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda maaliyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxa looga hadlayay hormarinta is-dhexgalka ganacsiga ee dalalka Geeska, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray dhismaha wadooyin isaga kala goosha guud ahaan dalalka gobolka.

Si gaar waxaa looga hadlay sidii Geeska Afrika looga hir-gelin lahaa qadad Tareen, oo muhiim u ah fursadaha ganacsi ee gobolka.

Shirkii ka dhacay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Djibouti ayaa waxaa uu daba socday shir sanadkii hore lagu qabtay dalka Jabuuti, kaas oo looga hadlay arrimaha is-dhexgalka ganacsiga ee dalalka Geeska Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor