Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay shir Caalami ah

Wasiirka maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka, kaasi oo ay si gaar ah kulamo u yeesheen Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Afrika.

“Iyada oo lagu guda jiro shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa maanta waxaa inoo suuro gashay qeyb kamid ah Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika in ay si gaar ah u shiraan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa mar uu ka hadlayay xaaladda dhaqaale ee dalka ayaa yiri “Waxa aan wasiirada la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalladii Dowladda Soomaaliya ee dhaqaalaha dalka, dib-u-habeynta maaliyadda iyo sare ugu qaadidda Dakhliga gudaha. Sidoo kale waxa aan ka warbixiyay qaabka ay Dowladdu uga falcelisay la tacaalidda COVID-19

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor