Dowladda Soomaaliya oo casuumtay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Kenya

Ka dib kulan gaar ah oo ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Kenya ayaa waxaa guddoomiyaha Baarlaamanka Kenya lagu casuumay in uu yimaado Magalada Muqdisho.

Guddoomiye Senator Cabdi Xaashi, ayaa guddoonka iyo Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ayna booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Sidoo kale waxaa dhawaan la filayaa in wafdi hordhac oo ka socda Aqalka Senate-ka Kenya uu soo gaaro Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Kulanka gaarka ahaa ayaa sidoo kale waxa ay uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor