Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareesay Weerarkii Ka Dhacay Dalka Sacuudiga

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa falalka argagaxiso ee ka dhanka ah Dowladda iyo Shacabka walaalaha ah ee Boqortooyada Saudi Arabia ee shalay dhacay .

Argagaxisadu waxa ay muujiyeen inay ka soo horjeedaan waxa ay diinta islaamka ay fareyso , iyagoo qarax ku weeraray dad rayid ah iyo ciidamo ku sugnaa Magaalada Abha ee xarunta gobolka Asir .

Xukuumadda iyo Shacabka Boqortooyada Saudi Arabia , waa walaalaha iyo saaxiibada dhabta ah ee Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya , run ahaantii waxaan dareemeynaa xanuunka iyo khasaaraha gaaray , waxa aanu si xoog badan u taageereynaa dadaalada adag ee Dowladda Boqortooyada Saudi Arabia ay kaga hortageyso argagaxisada kuwa gudaha iyo dibadda intaba .

Argagaxisadu waa muuqaal soo ban-baxay oo caalami ah , ujeedkiisuna yahay burburinta dhabaheena nabadda ee nolosha , wuxuu abuuraa fatqalalo halis ku ah fahamka saxda ah ee diinteena quruxda ah ee Islaamka oo tilmaameysa nabadda , xushmadda iyo midnimada dadka dhexdooda , iyadoo aan la eegeyn kala aragti duwanaanshaha.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku howlan tahay si aan hakad laheyn inay u jiirto baraha ugu dambeeya ee argagaxisada ku leedahay gudaha dalka , waxaanu xoojineynaa iskaashigeena ammaan aanu la leenahay Boqortooyada Saudi Arabia si loo baabi’iyo shar-sidaha ka jira dhulalkeena .

Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u rajeynayaan Xukuumadda iyo Shacabka walaalaha ah ee Boqortooyada Saudi Arabia guul joogta ah iyo barwaaqo .

Allah Subhanahu Wa Ta’ala Ha inaga dhowro dhammaanteena Shar-sidayaasha argagagaxisada .

Dhammaad .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor