Saddex Maalin kadib dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Saanad Ciidan iyo dawooyin waxa ay u dirtay Shacab deegaano ka tirsan Gobolka Mudug kula dagaalamay Al-Shabaab.
Deegaanada Caad iyo Maamiyo ayaa dagaaladii u dambeeyey ay ka dhaceyn,waxaana la sheegay in dagaalka labada dhinac uu ku kala gaaray khasaaro aad u farabadan,isla markaana deegaanadii lagu dagaalamay badi ay la wareegeen Al-Shabaab.
Diyaarad siday hubka iyo daawooyinka ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay gaartay magalada dhuusamareeb,waxaana lagu wareejiyey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug.
Kulan deg deg ah oo ay dhuusamareeb ku yeesheen Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug iyo saraakiisha Ciidamada ayaa isku raacay in si deg deg ah gurmadka loo gaarsiiyo Shacabka Shabaab kula dagaalamaya Koonfurta Gobolka Mudug.
Dhinaca kale deegaanadii lagu dagaalamay ee5Caad iyo Maamiyo ee gobolka Mudug Wararka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in weli halkaasi ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan labada dhinac.