Dowladda Somalia oo Safiir Cusub u Magacaawday dalka Qatar

Safiirka cusub ee Soomaliya ee dalka Qadar Mudane C/risaaq Faarax Cali oo horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar,waxaana waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay amiirka dalkaasi Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

Kullanka uu la yeeshay Amiirka Dowladda Qadar ayuu danjiraha Soomaaliya u gudbiyay salaam iyo codsi uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,iyadoo ay kullanka ka soo baxeen go’aanno miradhal ah.

“ Waxaan la xiriiray madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,waxaan u sheegay in maalinka arbacada ah la kulmayo amiirka,waxaan weydiiyay talo ahaan maxaan kala hadlaa oo qodobo ah oo fariin ah oo aad ii dhiibeysaa,hal fariin buu isoo faray oo runtii wax weynna ah “ Igu salaam, salaam ka bacdina waxaad u sheegtaa oo aad nooga codsataa oo codsigeyga aad gaarsiisaa Jaaliyadda Soomaaliyeed haddii gudaha iyo dibadda ay joogtaba ay ka shaqeysan karaan gudaha dalka Qadar oo loo furo ciqaamadihii,Qofkii shaqo hella waqtigan hadduu yahay xirfadle iyo hadduusan xirfadle ahaynba ciqaamad ma heli karo Baasboorka Soomaaliga ah uu wato awgeed,dalabkii madaxweynaha markaan geeyay meeshii baa lagu aqbalay,amarkii baa meeshii amarkii ku bixiyay in loo furo Soomaalida ciqaamadaha,inshalah waxaan dabal ku sameynayaa sidii shaqada ku furmi lahayd,” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya ee Dalka Qadar.

Wuxuu sheegay maalmo gudahood in qofta kasta oo Soomaali ah oo shaqo ka helaa dalka Qadar ay ciqaamadii u furan tahay,islamarkaana si dhib yar halkaasi kaga shaqeysan karo.

Ugu danbeyntii,safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Amb: C/risaaq Faarax Cali ayaa sheegay in howlaha ugu horeeyo ee uu ku dhaqaaqayo ay tahay sidii ay isku arki lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar si ay uga hadlaan halka Xaaladda mareyso iyo in la isku garabsado howsha safaaradda ee Bulshada u heyso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor