Danjiraha cusub ee Somalia u joogi doona dalka Masar iyo Ururka Jaamacadda Carabta oo gaaray Qaahira.

8 bilood kadib, waxaa shalay gaaray caasimadda dalka Masar ee Qaahira Ambassador C/qani Maxamed Wacays oo noqon doona Danjiraha cusub ee Somalia ee dalka Masar iyo Wakiilka Joogtadda ee Somalia ee Xarunta Dhexe Ururka Jaamacadda Carabta oo ku taalla magaalladda Qaahira.

Ambassador Wacays waxaa Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Qaahira ku soo dhaweeyey Madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Masar, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socdo la kulmo Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsiisii, si uu ugu gudbiyo Waraaqihiisa Aqoonsiga Diplomaasiyadeed.

Danjiraha cusub ee Somalia u joogi doona dalka Masar iyo Ururka Jaamacadda Carabta waxa uu W/barashadiisa Dugsiga Sare ilaa Jaamacadda ku qaatay dalka Masar, wuxuuna sannadkii 1969-kii Shahaadada Bajaloorka ka qaatay Jamaacadda Al-Iskandariya.

Wargeyska Albeled News ee ka soo baxa Qaahira ayaa qoray in Madaxweynaha Somalia, Hassan Sheikh Mohamoud uu bishii hore ee June u magacaabay Ambassador C/qani Maxamed Wacays u soo magacaabay Xilka Danjirenimo.

Dhinaca kale, Safiirka cusub ayaa la magacaabay, kadib, markii uu  Danjirihii hore ee Somalia u joogay dalka Masar iyo Xarunta Ururka Jaamacadda Carabta, Marxuum Ambassador Abdillahi Hassan Mohamed ku geeriyooday magaalladda Qaahira dabayaaqadii bishii November ee sannadkii hore ee 2015-kii.

 ©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media