• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Dowladda Somalia iyo WFP oo kala saxiixday heshiis Is-faham ah

Bilan Media by Bilan Media
February 23, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Soomaaliya iyo Barnaamijka Cuntada Aduunka ee loo soo gaabiyo (WFP) ayaa kala saxiixday heshiis is faham ah kaas oo Dalka dhan loogu sameynayo xarumaha digniinaha xilliga hore ee halis-wadareedyada.

Wasaaradda Gagaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya oo dadaal xooggan uga jirta maareynta iyo yareynta qattaraha Musiibooyinka ayaa ku guuleysatay in ay qabato mid ka mid ah hal-beegyada ugu muhiimsanaa ee looga fadhiyay Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Md Xamsa Saciid Xamsa iyo Madaxa ugu sarreeya hey’adda qeybteeda Soomaaliya Md. Ceysar Arroyo ayaa labada dhinac u saxiixay heshiiska.

Heshiikan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa loona abuuri lahaa xirfadda iyo agabka loo baahanyahay si Soomaaliya ay awood ugu yeelato in laga sii digo qataraha musiibooyinka ka hor inta aanay dhincin

Isfahamka ayaa dhigaya in dhammaan Dowlada Gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir loo sameeyo xarumaha sii darsa halis-wadareedyada bixiyana digniinaha ka hor inta aanay qatarta soo dhawaan

Md Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya waxa uu sheegay in sammeynta xarumaha ka sii digo qataraha ay dowr weyn ka cayaari doonto in la xakameeyo qasaaraha ka dhasha musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca

“Abuurista iyo kobcinta xarumaha ka sii diga halis-wadareedyada waxay noo sahleysaa in aan awood u yeellanno in aannu ka jawaabno, yareyno isla markaasna aan maareyno musiibooyinka”. Ayuu yiri Xmasa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyina Soomaaliya

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Wasiir Xamsa Sheegay in Wasaaraddiisa ku dadaaleyso sidii dalka uu uga gudbi lahaa Musiibooyinka soo noqnoqda loona gaari lahaa xal waara.

Dhiniciisa Agaasimaha WFP Soomaaliya Md Ceysar Arroyo ayaa sheegay in QM diyaar u tahay in ay ka taageerto Wasaaradda dhinacyada dhismaha kaabayaasha loogu tala galay maareynta iyo yareynta qattaraha musiibooyinka

Md Arroyo wuxuu sheegay in heshiiska oo socon doono muddo lix bil ah ay ka shaqeyn doonaan sidii uu u soo saari lahaa xirfadlayaal iyo xarumo awood u leh in ay sii saadaaliyaan kana sii digaan halis-wadareedyada.

Heshiiskan oo seddex geesood ah waxaa dhinaca dhaqaalaha ka taageeraya hey’adda Sacuudiga laga leeyahay ee loo yaqaanno KingSalman Foundation.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay labada hey’adood howsha ay ka taageerayaan dalka soomalaiya.

Previous Post

Itoobiya oo War kasoo saartay kulankii dhexmaray MD Farmaajo iyo Muuse Biixi

Next Post

Hay’adda socdaalka oo Xarun 2-aad ka furatay Degmo ka tirsan G/Banaadir

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
Warar

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

May 24, 2025
Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho
Warar

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

May 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Next Post

Hay’adda socdaalka oo Xarun 2-aad ka furatay Degmo ka tirsan G/Banaadir

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

by Liban
May 24, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia’s Minister of Defence, Ambassador Ahmed Moallim Fiqi, on Friday chaired the monthly meeting...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Farsamo ee...

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si mideysan ugu heshiiyay in qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu...

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xalay kulammo gaar-gaar ah kula yeeshay...

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting
English News

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
Warar

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho
Warar

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties
English News

Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody
English News

Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting
  • Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
  • Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
  • Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00