Shiinaha oo qalab Milliteri ugu deeqday Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Shiinaha ayaa maanta sheegat inay Dowladda Uganda ugu deeqeen Qalab Milliteri oo qiimihiisu dhan yahay 5.5 million oo Dollar.

Deeqdaasi ayaa ah tii ugu ballaarnayd ee ay Wasaaradda Difaaca Shiinaha ugu deeqaan Milliteriga Uganda dhowrkii sannadood ee la soo dhaafay.

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee dalka Uganda, Jeneral Jeje Odongo ayaa ka guddoomay qalabkaasi Danjiraha Shiinaha uga wakiilka ah Uganda, Ambassador  Zhao Yali, wuxuuna ka mahad celiyey Taageeradaasi, oo lagu horumarinayo Khibradda iyo Awoodda Ciiddanka Uganda.
Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Ugand, Jeberal Edward Katumba Wamala ayaa sheegay in qalabkaasi loo gudbin doono Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM si loo casriyeeyo qalabkooda.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Kampala, Ambassador Zhao Yali ayaa soo dhaweeyey qorshaha Kaalmadda Milliteri loogu soo daad-gureynayo Hawlgalka Somalia, wuxuuna ku ammaanay Dowladda Uganda  kaalinta ay ka qaataab Nabadda iyo Deganaanshaha Gobalka.

Danjiraha waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladaha Uganda iyo Shiinaha dan guud ka leeyihiin dadaalka loogu jiro Nabadda Gobalka.

“Waxaa haatan na soo wajahay weeraro Argagixiso, waxaana  loo baahan yahay si loola dagaalamo Argagixisadda in la yeesho Iskaashi Caalami, ayuu yiri Danjiraha Shiinaha uga wakiilka ah dalka Uganda.

Taggeeradda Milliteri ee ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Milliteriga Uganda ayaa ku soo beegantay dhowr isbuuc kadib, markii Sarkaal Shiinees ah oo ilaalo ka ah Safaaradda Shiinaha ku leeyihiin magaalladda Muqdisho uu ku geeriyooday  Fal Is-qarxin oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab  bishii July 26-da ee la soo dhaafay la beegsadeen Hotelka Jazeera ee magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, in ka badan 8,000 oo ciiddan ka socda Uganda ayaa ku sugan Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

© Radio Dalsan
DEEQ MILLITERI DEEQ UPDF

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor