Dowladda Raashiya oo sheegtay inay Somalia ka iibin doonaan Hubka.

Dowladda Raashiya ayaa sheegtay inay Somalia hub ka iibin doonaan haddii ay soo hagaagto Xaalladda Ammaanka ee Gudaha Somalia.

Madaxa Waaxda Ammaanka ee Shirkadda hubka dhoofisa ee Raashiya, Valery Varlamov ayaa shalay ku dhawaaqay Go’aankaasi, isagoo sheegay inay aad ula socdaan Xaalladaha Caalamka iyo inay jiraan dalal ay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogeen Xayiraadda Hubka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay jiraan codsiyo tixgelin mudan oo ay dhowr Dowladood ku doonayaan inay Raashiya ka iibsadaan Hubka, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay Dowladaha Somalia, Libya iyo South Sudan.

Valery Varlamov oo madax ka ah Waaxda Amamanka ee Shirkadda hubka dhoofisa Raashiya ee lagu magacaabo Rosoboronexport oo Weriyayaasha kula hadlay Carwadda Bandhigga Gaarka ee Hawlgalladda Ciiddamadda (SOFEX) ee haatan ka socda caasimadda dalka Urdun ee Cammaan, waxa uu tilmaamay inaysan Dowladahaasi la lahayn wax Iskaashi dhinaca Farsamadda Milliteriga, balse ay diyaar u yihiin inay Dowladahaasi ka haqab tiraan baahidooda dhinaca Hubka iyo Qalabka kale ee Milliteriga.

RUSSIA2 Rosoboronexport1 raashiya

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo bishii hore booqasho ku tegay caasimadda dalka Raashiya ee Mosko, waxa uu Madaxda dalkaasi kala hadlay sidii ay taageero uga geysan lahaayeen Dib-u-dhiska iyo Qalabaynta Ciiddanka Somalia.

Inkastoo ay Dowladda Raashiya oggolaatay codsigaasi, haddana waxay Madaxda dalkaasi si cad u shaaciyeen  inaysan xilligan Somalia ka iibin Karin hubka, maadaama ay weli saaran tahay Cunqabatayntii Hubka ee ay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogeen Somalia bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii, xilligaasi oo ay Dagaal-beeleedyo la Siyaasadeeyey si xawli ah uga socdeen qeybo ka mid ah Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor