Hadal qoraal oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi soo saartay ayaa lagu sheegay inay si xooggan u cambaaraynayaan qaraxii shalay lala beegsadeen Suuq ku yaalla Degmadda Wanle-weyn ee Gobalka Sh/hoose, oo ay tobanaan qof ku dhinteen, kuna dhaawacmeen tiro kale.
Qoraalka waxaa lagu xusay inay Dowladda Qatar u tacsideynayso Qoysaska Marxuumiintii ku geeriyootay Qaraxaasi, waxayna kuwa dhaawacmay u rajeyeen Caafimaad degdeg ah.
Dhinaca kale, Dowladda Qatar waxay cambaaraysay qarax kale oo shalay ka dhacay Caasimadda dalka Afganistan ee Kaabul.