Dowladda oo War kasoo saartay weerar lagu burburiyay Xarun ay laheyd Hormuud

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Jaldeys ee degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo dhacdadan ka hadlayay ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo weerarrada soo noqnoqdey ee lala beegsanayo Isgaarsiinta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo; Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan ugu dambeeyey uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Jaldeys, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo nolosha shacabka deegaanada ku xeeran degmada Afmadow.

“Waxa aan ka xunnahay in ay weli sii socdaan weerraradan oo si weyn u dhibaataynaya ganacsiga iyo nolosha shacabka deeganada Jubooyinka, waxa aan hubnaa in cidkasta oo ka dambeysa falkan degdeg loola xisaabtami doono” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa waxa ay diiwaangelisay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerrarada loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed ee deeganada Jubbooyinka iyo Gedo, waxa ayna kala shaqeysanaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda sidii looga qaadi lahaa tallaabooyinka ku habboon si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media