Dowladda oo War kasoo saartay kufsiga iyo dilkii ka dhacay Muqdisho

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay falkii isugu jiray kufsiga iyo dilka ee gelinkii dambe ee shalay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir loo geystay Gabar dhalinyaro aheyd.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Booliska G/le Sadiiq Aadan Duudishe ayaa waxaa uu ku sheegay inay socdaan baaritaano qoto-dheer oo ku aadan sidii uu u ka dhacay falkii loo geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, isla markaana gacanta ay ku dhigeen 4 ruux oo looga shakisan yahay falkaas.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Afhayeenka sheegay inay si dhow ula wadaagi doonaan natiijada Baarista oo dhameystiran, isla markaana qof kasta oo ay ku cadaato falkaas cadaalada la horgeyn doono.

Rag dhalinyaro ah ayaa hotel ku yaalla xaafadda Maajo ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir fal kufsi ah ugu geystay Marxuumad Xamdi, iyagoon markii dambe kasoo tuuray dabaq lix biyaano ah oo halkaas ku yaalla.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Afhayeenka Ciidanka Booliska DFS.

Shalay 11/Sep/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, waxaa Soo gaaray warbixin ku saabsan meedka gabar la dilay, gudaha Degmadaas gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda #Maajo in laga Soo tuuray Marxumad #Xamdi #Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay #Ceelbur dagan Degmada #Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhalinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkaan kuna baastay.

Meesha uu Kiisku marayo.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurunta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 #Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagidoonaa natiijada Baarista oo dhameystiran.

Ugu danbeyn.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed, u cadeynaynaa in ay socoto baaristu dhawaana aan natiijada la wadaagidoonno, qof kasta oo ay ku cadaatana aan Cadaalada horleenidoonno, hadii alle idmo.

Comments
Loading...