Dowladda oo sheegtay in xubno ka badbaaday weerar hore ku dishay Shabeellaha Hoose

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa qortay in howlgal ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay in ka badan 15-xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan iyo duqeyn dhanka cirka oo geysteen diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa fuliyay Ciidamada gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Mareykanka.

Qoraalka lagu daabacay Wakaalada SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha Shabaabka ee la dilay ay si gaar ah ugu daba jireen Sirdoonka Soomaaliya, kuwaasi oo sida la tilmaamay kamid ahaa xubno ka badbaaday weerar horey uga dhacay Buulo Madiino.

“Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Al-shabaab iyo hubkii ay wateen” ayaa lagu yiri Qoraalka lagu daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sheegtay in howlgal iyo duqeyn ka dhacday deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 49 dagaalame.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor