Dowladda oo ka hadashay Duqeyn Cusub oo laga fuliyay Gandarshe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn Ciidanka dowladda iyo Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ay ka fuliyeen meel u dhaw tuulada Gandarshe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo shalay dhacday lagu dilay 4 xubin oo kamid ah Al-shabaab waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraalka ay soo saartay dowladda ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in howlgalkii duqeynta ahaa ee la fuliyay aysan waxyeelo ka soo gaarin dadkii shacabka ahaa ee goobta ka Agdhawaa.

Ciidanka dowladda iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay duqeymo dhowr ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo qaarkood la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeynka cirka u gaystay Alshabaab ku sugnaa meel u dhaw tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose .

Duqeyntan oo aad aheyd mid qorsheysan ayaa lagu dilay afar(4) ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

DFS iyo Ciidamada AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin muhiim ah oo looga gol-leeyahay ilaalinta nolosha dadka shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka Al-shabaab, iyada oo si hufan loo baarayo eedayn walba oo lasoo wariyo. Ilaa hadda hubintii la sameeyey ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay dhaawac iyo dhimasho midna.

Weerarkan ayaa imanaya kagadaal markii ciidanka Xoogga Dalka oo fadhigoodu yahay Ceel Salini ay iska difaaceen weerar Alshabaab ee kusoo qaadeen xeradooda militari.

Ma jirin cid ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo wax ku noqatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ceel Salini.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media