Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay muuqaalo been ah oo lagu faafiyay baraha Bulshada, kuwaasi oo looga hadlayay imtixaanka Shahaadiga ah oo ay qaadeyso Dowladda.
Qoraal uu soo saaray Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa uu sheegay in Muuqaalada lagu faafiyay baraha bulshada ee Imtixaanka ku aadanaa ay yihiin kuwo been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka ee Dugsiga Sare.
Waxaa uu sheegay Wasiirka inay horey u xir xireen dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka, isla markaana waxaa uu tilmaamay inay si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Cabdullaahi Goodax Barre
Waxaan baraha bulshada ku arkay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.
Waxaan horay u soo xer-xernay dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka. Waxaan sidoo kale si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan.
Waxaan ka codsanayaa dhammaan ubaxa ummadda Soomaaliyeed ee qiimaha badan in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay idin niyad jabiyaan, waxaa tihiin mirihii dalkaan, waxaana idin rajeynayaa birrito oo ah maalintii u danbeysay imtixaanka in ilaahay idin fududeeyo.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan howlwadeennada imtixaanka sida ammaanada leh ee aad waajibaadkiina Qaran u gudaneysaan.