HomeWararKhasaaro ka dhashay Dagaal dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Daacish

Khasaaro ka dhashay Dagaal dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Daacish

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo gelinkii hore ee shalay dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maaamulka Puntland iyo xubno ka la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish. Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Timirshe oo hootega Degmada Isku dhuban ee Gobolka Bari, waxaana dagaalkaas uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo gelinkii hore ee shalay dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maaamulka Puntland iyo xubno ka la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Timirshe oo hootega Degmada Isku dhuban ee Gobolka Bari, waxaana dagaalkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo Daacish ay ku lahaayeen Timirshe.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dagaalka inta uu socday la isku adeegsanayay huba noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka inta uusan dhicin kahor Timirshe ay duqeyn ka fuliyeen diyaarado loo maleynayo inay leeyihiin Ciidanka Mareykanka, waxaana intaas kadib dhacay dagaalka.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas lagu dilay 8 xubnood oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish, isla markaana la burburiyay laba gaari oo ay wateen, In kasoo aan weli la xaqiijin.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Maamuulka Puntland oo ay uga hadlayaan Khasaaraha dagaalka, hayeeshee waxaa ay xaqiijiyeen oo kaliya inay dagaal saacado dhowr ah qaatay ay la galeen Ururka Daacish.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts