Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Saamax Shukri ayaa sheegay in la bilaabay dadaalka dib loogu soo celinayo Hawlihii  Dugsiga Saree e Jamaal C/naasir ee ku yaalla magaalladda Muqdisho, oo ay Maamulkiisa horey u hayeen Macallimiin Masaari ahaa.
Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Wafdi ka socda Xukuumadda Federalka Somalia oo haatan booqasho ku jooga caasimadda dalka Masar ee Qaahira, wuxuuna xusay inay doonayaan inuu Dugsiga Jamaal C/naasir noqdo Minaaradda ama Taawarka Waxbarasho ee ay Masaarida ka fuliyaan gudaha dalka Somalia.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Saamax Shukri oo kulan la qaatay Wasiirada Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somalia, Marwo Khadra Bashiir Cali, waxay ka wada hadleen Xiriirka labada Dowladood iyo Kaalinta ay Masar ka qaadanayso Taageeradda Dowladda Federalka Somalia iyo Horumarinta Tacliinta Somalia.
“Dowladda Masar waxay taageero buuxda la garab taagan yihiin Dowladda Federalka Somalia dadaalka ay ugu jirto Xaqiijinta Hirmarinta siyaasadda iyo Dastuurka†ayuu yiri Saamix Shukri oo intaasi ku daray inay Masar taageero ka geysan doonaan Hiigsiga cusub ee Somalia ee sannadka soo socda 2016-ka, si loo dhamaystiro Dsstuurka iyo in la qabto Doorashadda Barlamaanka Somalia.
Waxa kaloo uu carrabka ku adkeeyey inay Dowladda iyo Shacabka Somalia ka taageeri doonaan Maalgashiga iyo La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisadda.
Xiriirka Somalia iyo Masar ayaa ah mid muddo dheer soo taxnaa, waxayan Dowladda Masar kaalin ka qaadatay Halgankii Gobanimadoonka Somalia iyo Taageeridda Dowladihii soo maray Hoggaanka Somalia.
© Radio Dalsan