Dowladda Mareykanka oo Ballaarineysa Howlgalkeeda Soomaaliya

Arrintan ayaa waxa ay wadada u fureysaa in ciidamada Maraykanka ay howlgalo lagula dagaalamayo Al-shabab ka fulin karaan dalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa waxa ay taliyaasha ciidamada Maraykanka ee Afrika ka howlgala uu awood u siineyaa inay qaadi karaan weeraro duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka oo lagu qaado ururka Alshabaab.

Mr Trump ayaa saxiixay Arbacadii wareegto qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya lagu sheegay inay yihiin meel ay ku xoogan yihiin wax loogu yeeray Cadowga,halkaa oo ah Aag Dagaal iyadoo xeerkan ay hirgelintiisu ay soconayso ugu yaraan 180 maalmood oo la mid ah lix bilood.

Afhayeenka waaxda gaashaandhigga mareykanka ee the Pentagon Captain Jave Devis ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ogolaaday hindise ay wasaaradda difaaca gudbisay oo dhigayay in la ballaariyo howlgalka taageerada lagu siinayo xoogagga midowga Afrika ee AMISOM.

Xeerarkan  ayaa waxa ay oggolaanayaan in weerarada ay ku dhiman karaan dad rayid ah waxana sidoo kale sharciyadan uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dalka Yemen waxyar kadib markii uu talada dalkiisa la wareegay.

Go’aanka Madaxweyne Trump uu ku fududeeyo in weeraro lagu qaadi karo dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo abaar daran ay ka jirto inta badan wadanka taasoo sababtay in qoysas badan ay ka barakacaan deeganadoodii kadib markii ay abaarta ku ceyrtoobeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media