Tallaabadani ayaa timid, kadib, markii Ra’isul-wasaarihii hore ee Falastiin, Salaam Fayaad loo magacaabay Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrmaha dalka Libya.
Haweeneyda Dowladda Maraykanka uga wakiilka ah QM, Nikki Haley ayaa sheegtay inaysan Maraykanka weli Falastiin u aqoonsanin Dowlad ka dhex muuqata QM, isla markaana ka niyad-jabeen markii ay arkeen Qoraalka lagu magacaabay.
Diplomaasiga Salaam Fayaad waa aqoonyahan wax ku bartay dalka Maraykanka, ahaana Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, ka hor inta uusan noqonin Ra’isul-wasaaraha Maamulka Falastiin.
Dhinaca kale, Xafiiska Xoghayaha Guud ee QM kama hadlin Tallaabadda ay Maraykanka ku diideen magacaabista Diplomaasiga Falastiiniga.
©Radio Dalsan