Garyaqaan Joseph Wagara oo u dooda qoyska Ganacsade Xamsa Barre ayaa ka dalbaaday Dowladda Kenya inay muddo saddex isbuuc gudaheeda caddaymo ka keenaan halka uu ku dambeeyey Ganacsade Xamsa Barre oo ahaa Dukaanle ku nool Degmadda Garissa ee W/bari Kenya.
Qareenka ayaa hadalkaasi sheegay kadib, markii ay qoyska Ganacsadaha la la’ yahay ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Kenya codsi la xiriira halka uu ku dambeeyey Ganacsadahaasi oo ay Boliska horey uga kaxaysteen goobtiisa Ganacsiga bishii April 8-dii ee sannadkan.
Qoraalkooda ayey kaga codsadeen Dowladda Kenya inay caddeeyaan halka uu ku dambeeyey Gancsadahjaasi oo ay Boliska Kenya ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Alshabaab.
Garyaqaan Joseph Wagara waxa uu tilmaamay inuu tuhunsan yahay in Ganacsade Xamsa Barre ku xiran yahay Saldhig Bolis ama Xero Milliteri oo ay Kenya leeyihiin, wuxuuna sheegay inuu xariga Ganacsadahaasi xadgudub ku yahay Xuquuqda iyo Xorriyadda Aadanaha.
© Radio Dalsan