Dowladda Jabuuti oo wafdi u dirtay xadka magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera iyo sababta

Dowladda Jabuuti oo loo xil saaray inay hakiso sii xumaashada khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa wafdi xaqiiqo raadin ah u dirtay xadka labada dal ee magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera.

Tallaabadaas waxay ku timid shirkii madaxda urur Goboleedka IGAD ee maalintii Isniinta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Jabuuti, kaasoo ay isku arkeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo qiratay in cadaadis lagu saaray in ay aqbasho dib u dajinta xiisadda, ayaa sheegtay in ay dalbatay in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro xadka, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland laga soo abaabulay gudaha Kenya, ayna ku sugan yihiin xadka Mandheera ee dhinaca kale.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa warbaahinta u sheegay in wafdi ka socda Jabuuti – oo isugu jira diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan loo diray xadka kala qeybiya Beledxaawo iyo Mandheera, si ay xaaladda ugu soo kuur galaan.

Kooxdaas ayaa laga dhowrayaa inay xog kula noqoto Jabuuti, iyadoo halkaas laga sii amba qaadi doono dadaalka iyo tallaabada xigta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media