Dowladda Jabuuti oo ka hadashay wadahadallada Eritrea

Dhawaan waxaa la filayaa in Madaxweynaha dalka Eritrea  Isaias Afeworki iyo wafdi uu hoggaaminayo uu gaaro dalka Jabuuti si uu wadahadallo ula yeesho dhigiisa dalkaas.

Labada dowladood ayaa mudo dhowr Sanno ah waxaa ka dhaxeeyay dagaalo sababay gacan ka hadal dhex maray Ciidamada labada dowladood,hayeeshee haatan ay u bilaawdeen wadahadallo.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa waxa uu ififaalo wanaagsan ka muujiyey wada xaajoodka u socda Eritrea iyo Jabuuti, kaas oo mustaqbal wanaagsan u horseedi kara gobolka geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hormuud ka ah wadahadallada lagu dhex dhexaadinayo Wadamada Jabuuti iyo Eritrea si xasilooni uga dhacdo wadamada Gobolka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor