Dowladda Ingiriiska oo ka digtay Doorasho hal dhinac iyo muddo kororsi

Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee Cakiran ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka weli ka taagan qabsoomida doorashooyinka dhacaya oo aan weli Madaxad aysan si rasmi ah heshiis uga gaarin.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda UK ee Muqdisho oo ayaa waxaa lagu sheegay in aysan taageeri doonin tallaabooyin horseedaya hannaan doorasho qeybsan ama is barbar socda iyo in toos loogu kordhiyo muddo xileedkii hore.

Sidoo kale Ingiriiska ayaa Madaxda dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay Shir isugu yimaadan, isla markaana xal laga gaaro khilaafka, si loo qabtay doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxda ayaan weli heshiis rasmi ah ka gaarin caqabadaha ku hor gudban doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Puntland iyo Jubbaland ay diideen ka qeyb galka Shir looga hadlayo khilaafka doorashada.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis rasmi ah u gaari lahaayeen, isla markaana loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu wada yahay, iyagoona ka digay muddo kororsi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor