Dowladda Hindiya oo ka digtay in la weeraro Maraakiibta Ganacsiga ee ku soo wajahan Xeebaha Hindiya

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Hindiya, Manohar Parrikar ayaa ka dhawaajiyey inay Burcad-baddeeda Soomaalida bilaabeen inay saldhigyo ka dhigtan meel ka baxasan Xeebaha Hindiya.

Wasiirka ayaa digniintaasi ka sheegay
Shirweyne Caalami ah oo ka dhacay caasimadda Hindiya ee New Delhi, oo looga hadlayey Ammaanka Maraakiibta isticmaasha Badweynta Hindiya.

Manohar Parrikar waxa uu tilmaamay inay Burcad-baddeeda Soomaalida haatan u soo ruqaansadeen meel 450 maylis oo ka
baxsan Xeebaha dalka Hindiya.

“Waxaan heegan gelinay Ciiddankeenna, waxaana la soconaa dhaqdhaqaaqooda” ayuu yiri Wasiirka oo qiray inay Burcad-baddeeda khatar weyn ku tahay Hindiya iyo dalalka ku xeerayan Badweynta Hindiya.

Dhinaca kale, Shirweynaha Caalamiga ee Ammaanka Badweynta Hindiya ee lagu soo gebagebeeyey caasimadda dalka Hindiya ayaa waxay Ergooyinka isku raaceen in la dhiso Xarun Gobaleed loogu gurmanayo Maraakiibta khatarta kala kulma Burcad-baddeeda Soomaalida ee ka qowleysata Badweynta Hindiya iyo Gacan-biyoodka Cadmeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor