Dowladda Eritrea oo magacowday Danjirihii ugu horreeyey ee u fadhin doona Ethiopia.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane Meskel waxa uu Bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Danjiraha cusub ee la magacaabay uu yahay Ambassador Semere Russom, oo haatan haya xilka Wasiirka Waxbarashadda Eriteria, horeyna u ahaa Safiirkii Eritrea u joogay dalka Maraykanka.

Magacaabistan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Dowladda Ethiopia khamiistii la soo dhaafay magacowday  Danjirahoodii ugu horreeyey ee u fadhin lahaa dalka Eritrea 20-kii sanno ee la so odhafaay.

Danjiraha cusub ee Ethiopia waxaa loo magacaabay Ambassador Redwaan  Xuseen oo horey u ahaa Danjirihii Ethioopia u joogay dalka Ireland.

Tan iyo markii ay Hoggaamiyaayaasha Ethiopia iyo Eritrea heshiiska kala saxiixdeen bishan July 7-dii waxaa sii kordhaya Niyadsamida dib loogu soo celinayo xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada waddan oo go’naa tan iyo sannadkii 1998-dii.

Shirkadda Diyaaraddaha Ethiopia ee Ethiopian Airlines waxay Arbacadii la soo dhafay bilowday Duullimaadkii ugu horreeyey oo ay ku tagto caasimadda dalka Eritrea ee Asmara muddo 20-sanno kadib.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media