Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya oo kala saxiixday Heshiis Muhiim ah

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiiska deyn cafinta, Hesiiskan oo ka dhacay safaaradda Mareynkanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay qeybtii uga soo aadday deyn cafintii dalalka Naadiga Paris.

sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in deynta lagu leeyahay Soomaaliya la wada cafiyo.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ahaa heshisika ayaa Dowladda Mareynkanka  ugu mahadceliyey deyn cafinta, wuxuuna  sidoo kale ku bogaadays safiirka Mareynkanka sida ay markasta u garab yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media