Dowlada Mareykanka oo shaacisay in Al Shabab ay ku dhaw yihiin iney bur buraan

War bixin cusub oo uu soo saaray Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa lagu sheegay iney Al Shabab ay ku dhaw dahay iney burburto kadib markii Ciidamada iyo diyaaradaha Mareykanka ay la eegten Xubno ka tirsan Al Shabab ugu yaraan afar weerar intii lagu jiray bishii May.

Warbixintan waxay sheegtay saraakiisha la dilay Al Shabab awgeyd ay ku dhaw yihiin iney guud ahaan burburan sid Africom laga soo xigtay.

Duqeymaha oo ka dhacay meelo ku dhaw goobo Al Shabab ay maamulan ayaa lagu dilay ugu yaraan seddex sarkaal oo dhabar jab ku noqonaya Kooxda sida Mareykanka uu hadalka u dhigay.

Ma cadda nooca weerar ee uu Mareykanka u adeegsaday weeraradii dhinaca cirka iyo sido kale iney jirtay qatar uu Mareykanka ka hortagay.

Hadalkan ayaa immanaya iyada uu Mareykanka sheegtay horaantii bishii May iney weerar ku dilen madaxii weerarkii Jaamacada Garisa Maxamed Maxamuud (Dulyaden) oo lagu dilay 1 Juunyo deegaanka Buula Gaduud oo 30 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan Kismaayo.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor