Dowlad xirtay shaqaale ka tirsan Sirdoonkeeda oo Basaas u ahaa Ciidamada Ruushka

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.

Maamulka ayaa baaray gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale guriga qof kale leeyahay. Madaxa sirdoonka dibadda Bruno Kahl ayaa sheegay in sii deynta tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan ay faa’iidi karto Moscow.

Carsten L ayaa xabsiga lagu sii hayay maalintii Khamiista, maalin ka hor markii lagu xiray caasimadda Jarmalka. Waxaa looga shakisan yahay in sannadkan uu Ruushka la wadaagay xogta oo uu helay intii uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo.

Dacwad oogayaasha federaalku ma aysan faah faahin in taasi ay ahayd ka hor ama ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Chancellor Olaf Scholz ayaa lagu wargeliyay arrinta dhowr toddobaad ka hor, sida laga soo xigtay website-ka Spiegel, waxaana amar lagu soo xirayo la soo saaray 16 December.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor