Dowlad xireysa dadka aan afka iyo sanka xiran

Dowladda Morocco waxay sheegtay in shacabka dalkaas ee aanan xiran afka iyo sanka ay wajahi doonaan xabsi saddex bilood ah ama in lagu ganaaxi doono inay bixiyaan 126 doolar.

Maanta ayuu sharcigan ka dhaqan galayaa Morocco, waxaa shacabka lagu amray inay sanka iyo afka xirtaan si ay isaga ilaaliyaan cudurka Coronavirus.

Dowladda ayaa go’aankan ku dhawaaqday shaley kaddid markii ay qabatay shir looga arrinsanayay ka hortagga cudurka safmarka ah ee Covid-19, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Morrocco ayaa in muddo ku jirtay xaalad deg deg ah, waxaana dalkaas laga xaqiijiyay 1,120 qof oo uu ku dhacay Corona halka 80 qofna ay u dhinteen.

Wuxuu dalkan hiigsanaya in uu sare u qaado wax saarka marada lagu xirta afka iyo sanka ee looga hortaggayo cudurka Corona.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media