Dowlad magdhow siineysa Ehelada dadka u geeriyooday Cudurka COVID-19

Maxkamadda Sare ee dalka Hindiya ayaa taageertay go’aanka dowladda ee ku aaddan in $-674 oo magdhow ah lasiinayo qoys kasta oo qaf ka mid ahi u dhinto Covid-19.

Go’aanka Maxkamadda ayaa daba socda codsi ay soo jeediyeen qareenno doonayay in magdhow la siiyo qoysaska iyadoo la raacayo xeerarka maareynta musiibooyinka ee Hindiya u yaalla.

Hindiya ayaa ilaa hadda diiwaangelisay in ka badan 447,000 qof oo u dhintey Covid-19. Balse khubaradu waxay rumeysan yihiin in tirada dhabta ah ee dadka u dhintay cudurka ay ka badantahay tan la shaaciyay 10 jibaar.

Garsoore magaciisa lagu soo koobay Shah ayaa Isniintii sheegay in “qaraabada ugu dhow qofka dhintay” ay heli doonaan magdhow muddo bil gudaheed ah marka la xareeyo arjiga dalbashada magdhowgaas.

Bishii Juun, ayaa qareennadu waxay maxkamadda u gudbiyeen codsigaan, iyagoo markaa ka dalbaday faragelin ku saabsan arrinta magdhowga qoysaska ehelladoodu u dhintaan fayraska karona si aan loo marin habaabin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor