Doorashada qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee Gobolada Waqooyi Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye.

Doorashada dhaceysa oo ah lix kursi ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo Guddiga doorashada Somaliland u diiwaan-geliyeen u tartanka kuraastaas Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, waxaana doorashada ay bilaabaneysaa saacado kadib.

Kuraasta doorashadoodu la qabanayo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin Hope270 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Xildhibaan Sakariye Xuseen Caarre, kursiga Hope#267 oo ay ku fadhido Seynab Maxamed Maxamed Caamir, kursiga Hope#269 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Kaamil.

Sidoo kale kursiga tirsigiisu yahay Hope#271 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye, kursiga Hop286 oo uu ku fadhiyey Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo kursiga Hope#236 oo uu ku fadhiyey Cadnaan Cismaan Cilmi (Boqore).

Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa si dardar leh u wada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Muqdisho lagu doortay in ka badan 24 Xildhibaan oo kamid noqday Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor