Dooni ay la socdeen 120 Tahriibayaal Afrikaan oo ku degtay Xeebaha dalka Libya.

Afhayeenka Ciiddanka Badda ee dalka Libya, Ayuub Qaasim oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in dooni ay la socdeen 120 Tahriibayaal Afrikaan ah ku degtay meel ku dhow Xeebta Degmadda Sabratha.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Badda Libya u suurto-gashay inay soo badbaadiyaan 32 qof oo ka mid ah dadkii la socday Doonidaasi oo gelinkii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd ku degtay Xeebaha Yemen.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inaysan haynin tirada saxda ee Tahriibayaasha la la’ yahay, inkastoo ay Ciiddanka weli baadi-goob ugu jiraan si ay u helaan dad nool oo ka badbaaday shilkaasi.

Dhinaca kale, mar sii horreysay waxay Saraakiisha Talyaaniga sheegeen inay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha iyo Maraakiibta Dagaalka shalay soo badbaadiyeen 1,361 Tahriibayaal oo la socotay 11 dooni, xilli ay ku sugnaayeen Koonfurta Badda Mediterraneanka.

Ciiddanka Talyaaniga waxay kaloo sheegeen in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay soo badbaadiyeen 3,680 Tahriibayaal , kuwaasi oo haatan ku sugan Jesiiradda Sishiliya ee Talyaaniga.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor