Donald Trump oo uga tacsideeyey Putin qaraxii ka dhacay Raashiya.

Madaxweyne Trump  oo Telefoonka kula hadlay dhigiisa Raashiya, Vladamir Putin ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku geeriyooday Qarixii shalay ka dhacay goob Tareenadda laga raaco oo ku taalla magalldda St Petersburg.

Trump waxa uu sheegay inay Dowladda Maraykanka taageersan yihiin in Sharciga la hor keeno dadkii ka dmbeeyey qarxaasi oo ay ku geeriyodeen 11-qof, halka 45-kalena ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Raashiya ee INTERFAX ayaa ka soo xigatay Hy’addaha Xoojinta Ammanka in la tuhunsan yahay inuu qaraxaasi ahaa fal Is-qarxin ah.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ka dhacay magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media