Donald Trump oo Gabadhiisa ka dhigtay La-taliye

Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka oo lagu magacaabo Ivanka Trump waxay noqon doontaa La-taliye Madaxweyne iyo shaqaale ka tirsan Aqalka Cad ee aan wax mushaar ah qaadanin.

Gabadhaasi oo u dhaxda Jared Kushner oo isagana La-taliye Sare u ah Madaxweyne Donald ayaan wax mushaar ah lagu siinin Shaqada uu ka hayo Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi.
Ivanka Trump oo 35-jir ah waxay dhowrkii bilood ee uu aabaheeda Madaxweynaha ahaa si caadi ah uga dhex muuqatay Aqalka Cad, iyadoo mar hore Xafiis ku lahayd Dhismaha Aqalka Cad.
Gabadha Madaxweynaha iyo saygeeda midba khibrad uma laha Siyaasadda Guud ama Xafiiska loo doortay.
©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media