Diyaraad Dagaalka oo laga lahaa dalka Liibiya ayaa waxay maanta caga-dhigatay Waddo ku taalla Degmadda Beni Khadash ee Koonfurta dalka Tunisia, sida laga soo xigtay Goobjoogayaal iyo Warbaahinta dalkaasi.
Wakaalladda Wararka Tunisia ee TAP ayaa sheegtay in Duuliye keliya uu lasocday Diyaaradaasi, kaasi oo ay qabteen Ciiddanka Milliteriga ee ku hareeraysan Deegaanka ay Diyaaradda soo caga-dhigatay.
Wasaaradda Difaaca ee dalka Tunisia waxay sheegtay inuu Duuliyaha ku soo wargeliyey inuu ku khasbanaaday inuu si degdeg ah u soo caga dhigto, cillad ku timid diyaaradda.
Ciiddanka Cirka ee dalka Tunisia waxay isku diyaariyeen inay Diyaaradda hawada kaga hortagaan, si ay khasab ugu soo dejiyaan, balse, Duuliyihii Diyaaradii Dagaalka Liibiya ee nooceedu ahaa L-39 ayaa soo dejiyey Diyaaradda, ka hor intaysan Diyaaradaha kale hawada kaga hor tegin.
Diyaaradaha Dagaalka ee L-39 waxaa asal ahaan lagu farsameeyaa dalka Jamhuuriyadda Jeek ama (The Czech Republic).
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Diyaaradda ku so odegto Waddo iyo inay gaadiidka rayidka joojiyaan, si ay u arkaan Diyaaradaasi.
Afhayeen u hadlay Dowladda Libya ee ay QM aqoonsan tahay waxay sheegeen inaysan Diyaaradda iyo Duuliyaha aysan lahayn Ciiddankooda Cirka.
Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda inay Diyaaradaasi leeyihiin Ciiddanka Khaliifa Xaftar ee mucaaradka ku ah Dowladda Libiya, kuwaasi oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay duullaan ku ahaa caasimadda dalkaasi ee Tripoli.