Diyaaradaha nuuca qumaatiga u kaca ee helicopters-ka ayaa lagu soo waramayaa in ay dulheehaabayaan deegaano hoostagga degmadda Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in diyaaradaha ay baqdin xoogan ku abuurtay islamarkaana ay  baqdin ka qabaan in duqeyn ay geestaan.
Dagaalamyaal ka tirsan Al shabaab ayaa Aroornimadii hore Ee Talaadda weerar xoogan ku qaaday Saldhig ay ciidamaddda Amisom ku leeyihiin Degmadda Janaale.
Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay Askar ka tirsan ciidamadda AMISOM, Halka Wali la la’yahay qaar kamida Ciidamadaasi.
Diyaaradaha ayaa la Aaminsan yahay in ay baadi goob ugu jiraan ciidamadda AMISOM Ka maqan.