Wararka ka imaanaya degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saaka lagu arkay diyaarado Nooca Qumaatiga u kaca ah oo dul heehaabaya degmooyinka tirsan Gobolka Gedo.
Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay arkeen laba diyaaradood oo laga leeyahaay Kenya oo dul maraya inta u dhaxaysa Balad-Xaawo iyo Mandheera, waxaana bulshada degmadu ay sheegayaan in cabsi weyn soo food saartay, iyagoo sheegay in laga yaabo in Diyaaradaha Kenya ay duqeeyaan.
Xalay ayaa duleedka Balad –Xaawo waxaa ka dhacay dagaal la sheegay in uu dhex maray Ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya, Dagaalka oo ahaa mid saacado qaatay ayaaa lagu soo warramayaa in uu dhexmaray, waxaana uu si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Balad Xaawo.
Wali ma cadda Khasaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas waxaana dadka degaanku ay soo warinayaan in ay macquul taahay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas, Saraakiisha Ciidanka Dowladda eek u sugan Gedo iyo Maamulka Degmada Balad Xaawo wax war ah kama soo saarin dagaalka la sheegay in uu ka dhacay duleedka balad Xaawo.
Waxaana tan iyo markii uu dagaalkaasi dhacay soo baxayay warar kala duwan oo ku aaddan Diyaarado ay leedahay Dowladda Kenya oo dul heehaabaya meelo u dhaw degaaanadii xalay uu iska hor imaadku ka dhacay, waxaana la sheegayaa in Diyaaradahani ay fulin karaan duqeymo ay ka gaystaan Gobolka Gedo.