Duullimaadka Diyaaradda Turkish Airlines ee ay saakayto ku timid Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde waxay la kulantay Qaraxyaddii Mataanaha ee ka dhacay Xarunta AMISOM oo kaabiga ku haya Garoonkaasi.
Diyaaradda markii ay ka soo degeen Rakaabkii la socday ayaa waxa uu Duuliyuhu qaatay Go’aan u muuqday in laga soo amray Xarunta Dhexe ee Shirkadda Turkish Airlines, wuxuuna si degdeg ah uga ambabaxay Garoonka Muqdisho.
Rakaabkii ku qornaa Duullimaadkii maanta ee Turkish Airlines ee xaadirka ku ahaa Garoonka ayaa loo sheegay inay Diyaaradda sababo dhinaca Ammaanka uga hinqatay Garoonka, balse ay Diyaaraddu maalmaha soo socda dib u bilaabayso Duullimaadyadda.
Dhinaca kale, Shirkadda Turkish Airlines waxay ka mid tahay Shirkaddaha Caalamiga ee fara-ku-tiriska ee ay Diyaaradahooda ka hawl-galaan gudaha Somalia. Waxayna bishii March ee sannadkii 2012-kii bilaabeen Duullimaadka ay ku yimaadaan Garoonka Caalamiga ee Muqdisho.
©Radio Dalsan