Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga ayaa la sheegay inay bilaabeen Hawlgal ay ku burburinayaan Shabakadaha iyo Awoodaha Darooneska ee Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku leeyihiin Xero ay ka dhisteen Qasrigii hore ee Madaxtooyadda oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Sanca.
Warbaahinta Dowladda Sacuudiga ayaa sheegay inuu bilowday Hawlgalkaasi, balse faahfaahin kale lagama bixinin weeraradda cusub ee lagu hayo Xarumaha Kooxda Xuutiyiinta oo iyagu Caasimadda Sanca la wadaagay dabayaaqadii sannadkii 2014-kii.
Dhinaca kale, Dabley aan la aqoonin ayaa waxay toogasho ku dileen Sarkaal ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Yemen oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Xumeydi, lana dhawaacay qaar ka tirsan ciiddankii la socday.
Dabley aan la aqoonsanin ayaa la la sheegay inay jidka u galeen Kolonyo ay la socdeen Ciiddankaasi oo marayey Deegaanka Waadi Madaam oo 256 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Sanca.