Dhageyso:-Howlgal xalay laga sameeyay Magaalada Baladweyne

Ciidanka Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoon Qaranka Soomaaliyeed ee NISA gaar ahan kuwa ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaaladaasi.

Ciidamada ayaa howlgalka ka sameeyay inta badan Xaafadaha ay ka kooban tahay Baladweyne,isla markaana ku baarayay dadka iyo gaadiidka isticmaala Wadooyinka ku yaalla halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka inta uu socday uu hakad galay isku socda dadka iyo ganacsiga meela qaar,hayeehsee markii dambe uu dib u soo laabtay.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Hiiraan C/raxiin Maxamed Taakooy oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka xalay laga sameeyay Baladweyne uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgalkii xalay laga sameeyay gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya,iyadoo halkaasi mararka qaar ay ka dhacaan falal amnidarro.

Hoos ka Dhageyso Codka Hiiraan C/raxiin Maxamed Taakooy.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media