Duqeyntaasi ayaa timid, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Reer Falastiin ay Buufimaha Olola la beegsadeen qeybo ka mid ah Koonfurta Israel, iyagoo geystay khasaaraha.
Diyaaradaha Dagaalka Israel waxay xalay duqeeyeen Fariisimo ay Dagaalamayaasha Kataa’ib Cisadiin Qasaam ee Garabka Milliteri ee Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Waqooyiga iyo Galbeedka magaalladda Qasa.
Lama soo werinin khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi.
Dhinaca kale, Askarta Israel waxay toogasho ku dileen Nin Falastiini oo lagu magacaabi jirey Maxamed Xasan oo 20-jir ahaa, kaasi oo hawl dayactir ah ka waday saqafka sare guri uu ku lahaa Tuulladda Qusra ee duleedka magaalladda Nablus ee Deegaanada Daanta Galbeed ee dhulka Reer Falastiin.