Diyaarada Masar laga leeyahay oo loo maleynayo iney badda ku burburtay

Diyaarada Egytair duulimeedkeeda MS804 oo ka soo tagtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska kuna sii jeeday magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa qadka diyaarada laga wayay,iyada oo loo maleynayo iney burburtay sida aan ka soo xiganay Telefishinka RT ee dalka Ruushka.

Saraakiisha Dhinaca hawada ee Masar ayaa u sheegay wakaalada Wararka REUTERS in Diyaarada oo ay saarnayen 66 ruux loo maleynayo iney ku burburtay badda Mideterreanka.

Hey’adaha dhinaca hawada gaar ahaan Air Live ayaa soo bandhigtay dalalka ay ka soo kala jeedan rakaabkii saarnaa diyaarada.

Wasaarada duulista hawada Masar ayaa sheegeysa in kooxaha gurmad ay baadi goobayan diyaarada weli maqan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor