Qoraal uu Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda arrimaha Dibadda dalkaasi, Kamau Macharia soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa la sheegay inay Kenya ku sii abuurtay Mashaakil Diplomaasiyadeed, kadib, markii ay DFS cabasho ka gudbisay hadalka diplomaasigaasi ku sheegay inay Maamulka Somaliland u aqoonsan doonaan Waddan madax-bannaan.
Diplomaasigaasi oo ka mid ah Siyaasiyiinta had iyo jeer sii huriya Xiisadda Somalia iyo Kenya ayaa la sheegay inuu Twitterkiisa ka tiray Qoraalkii xasaasiyadda lahaa ee uu bishii June 27-dii ku muujiyey inuu Wasiir ka socday Maamulka Somaliland kala hadlay xiriirka ay la leeyihiin Kenya, isagoo xusay inay Somaliland u aqoonsan doonaan Dal madax bannaan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Xoghayaha Joogtadda ee Kenya, Kamau Macharia waxaa la sheegay inuu Bratiisa twitter-ka ka masaxay Qoraalkaasi iyo Sawiradii ku lifaaqnaa.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia waxay soo saartay qoraal Ashtako ah oo ka dhan Siyaasadda Qalafsan ee Kenya, iyadoo qoraalkaasi gacanta laga saaray Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Ambassador Lucas Tumb.
Qoraalka waxaa si cad Lahjad Diplomaasiyadeed loogu sheegay inay Tallaabadda Kenya xadgudub ku tahay Madax-bannaanida, Midnimadda iyo Xuduud-dhuleed ee Somalia, isla markaana uu dhaawac xooggan u geysan karo Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Kenya.
Dhinaca kale, Xoghayaha Joogtadda ee Kenya, Kamau Macharia oo la hadlay Shabakadda Wararka Kenya ee Kenyans.co.ke waxa uu mar kale ku celiyey inuusan doonaynin inuu ka hadlo Sheekadaasi sababtay inuu sare u kaco Khilaafka Diplomaaisyadeed ee Somalia iyo Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya weli kama aysan hadlin qoraalkii cabashada ka dhanka ahaa ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia u gudbisay Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Ambassador Lucas Tumb.